Hogaamiyaha Mamulka Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Mohamed Lafta-gareen ayaa Xilkaqadis ku sameyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Bulshada Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
Wasiirka ayaa ka mid ahaa Wasiiradii shaqeynayay tan iyo markii la aasaasay maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu ka mid ahaa xubnihii la shaqeyn jiray Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xil ka qaadistan ayaa ka dambeysay kadib markii cod sir ah laga heley wasiirka kasuu ku dhaleeceynayo maamulka cabdicasiis lafta gareen isla markaana madaxa isugu gelinaayey qabailada digilka isagoo ku guubaabinaayey in laga soo horjeesto gudoomiyaha baarlamaanka oo inta badan ey heshey beesha Tuni.