Shirkii dowladda federalka iyo maamul goboleedyada oo qorshuhu ahaa inuu maanta magaalada Muqdisho ka furmo ayaa baaqday.
Shirkan ayuu qorshuhu ahaa in loogaga hadlo arrimaha doorashooyinka, amniga iyo xaaladda guud ee waddanka.
Puntland iyo Jubbaland ayaa maalmo ka hor ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ka cagajo jiidayo in heshiis siyaasadeed laga gaaro arrimaha doorashooyinka iyagoo ka digay tallaabooyinka uu barlamanku qaadayo in ay caqabad ku yihiin iskusoo dhawaanshaha.
Dhanka kale dowlada federaalka oo marti elineysay kulankan ayaan weli ka hadlin sababta dhabta ah ee ka dambeysa baaqashada kulanka.