Dhegeyso: Maxkamada Ciidamada Qalabka-sida oo Xukun Ku Ridey Askari Odey Si Gardaro ah u Diley

0
171

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho si bareer ugu dilay Nin Odey halkaas ku lahaa goob yar oo Ganacsi.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dable Boolis Nuur Daahir Geedi oo ka tirsan Saldhiga Booliska degmada Shangaani uu 16-kii Bishii June ee sanadkan Isgoyska Ceelgaabta ku dilay Nin Odey halkaas ku lahaa goob yar oo Ganacsi, isla markaana Maxkamadda Ciidamada ay ku riday xukun dil toogasho ah.