Alshabab oo Burburisay Xarun Isgaarsiin Deegaanka Karakora

0
96

Kooxda al-Shabaab ayaa weerartay oo burburisey xarun isgaarsiineed oo ku taalay aagga degaanka Korakora, oo katirsan Gobolka Gaarisa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ku dhawaad 20 nin oo hubeysani ay weerarka ku qaadeen xaruntaan ka hor inta aysan iska caabin ciidamada booliiska ee goobta ku sugnaa.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii laamaha amaanka ay ka digeen inay suurta gal tahay in la weeraro xarumo muhiim u ah xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Taliyaha booliska gobolka waqooyi bari Rono Bunei ayaa sheegay inay xoojiyeen howlgalada ka socda aagga si wax looga qabto khatarta argigixisada.