Masuuliyiinta Maamul Goboleedyada oo Dhamantood Wada Gaaray Dhuusamareeb

0
112

Madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul goboleedka Galmudug, si ay uga qeybgalaan shirka magaaladaasi.

Madaxweynaha Galmudug iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa mas’uuliyiintaasi si gooni-gooni ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Dhuusarameeb.

Sidoo kale waxaa shalay halkaasi gaaray madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo xildhibaano ka kala tirsan labada gole ee BF Soomaaliya.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo badan oo ay ku jiraan kuwo ilaalo u ah madaxweynayaasha ay ku sugan yihiin caasimadda Dhuusamareeb.

Shirka madaxda maamul goboleedyada oo ah mid si aad ah isha loogu hayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu furmo, kaas oo lagu soo aaday, xilli aad u adag.