Kulankii Madaxda Maamul Goboleedyada oo Maanta Dib u Dhac Ku Yimid

0
103

Maanta oo Jimco ah ayaa qorshuhu ahaa in Magaalada Dhuusamareeb uu ka furtmo shir u gaar ah Madaxda Maamul Goboleed dalka kajira,kaasoo ay marti gelineysay Maamulka Galmudug,hase yeeshee waxaa la sheegay in dib u dhac uu ku yimid .

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in sababta uu shirka dib ugu dhacay ay tahay in Madaxda ay isla garteen in Maanta oo Jimce ah ay nastaan,isla markaana Maalinta berito ah uu u furmo shirkooda.

Go’aanka Shirka Magaalada dhuusamareeb ilaa Beri dib loogu dhigay ayaa la qaatay kadib markii xalay kulamo gaar gaar ah oo dhexmaray Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan ayaan la ogeyn inta uu socon doono iyo weliba sida ay madaxda maamul goboleedyada isku mowqif uga wada noqon lahaayeen arimaha u saabsan doorashooyinka dalka iyo weliba maqaamka gobolka banaadir.