
Taliska Mareykanka Afrika ee africa ayaa fuliyey duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay bar kontorool oo ay al-Shabaab ku lahayd degaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeeladda hoose.
Jeneraal Bradford Gering, oo ah kuxigeenka madaxa howlgalada, Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa sheegay kontaroolka la duqeeyay inay Al-shabaab u adeegsan jireen si ay ugu dhibaateeyaan dadka aan waxba galabsan ee socotada ah.
Weerarkan cirka ah ayaa lagu dilay mid kamid ah xubnahan Al-shabaab laguna burburiyey bar koontarool.
Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika wuxuu hadda qiimeynayaa inaysan jirin dad rayid ah oo dhaawacmay ama lagu dilay duqeyntaas.