Kulanka Madaxda Maamul Goboleedyada oo Maanta Ka Furmay Magalada Dhuusamareeb

0
94

Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta Waxaa ka furmay Shirka Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo dhammaantood ku sugan Dhuusamareeb.

Ajendaha Shirka maanta ayaa ahaaa Khudbad jeedinta Madaxda maamulada ee Shirka ka qeyb galaya.

Shirka qodobadda diiradda lagu saarayo ayaa kala ah Arrimaha Doorashada Soomaaliya, Dib u eegista Dastuurka Iyo Sharciyo ay Meel Mariyeen Golaha Shacabka oo Qaarkood ay diidanyihiin Maamul Goboleedyada.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la soo dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya amniga madaxda Dowlad goboleedyada ee ku sugan Dhuusamareeb.