
Dagaallo u dhaxeeya ciidamada degmada Bardaale ee gobolka Baay iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Guddoomiyaha degmada Bardaale oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulka ay qaadeen dagaalka, waxaana sidoo kale qeyb galay maleeshiyo deegaanka ah oo iskood isku abaabulay.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab una qaabilsanaa dhinaca maaliyadda sidoo kale Ciidamada Maamulka uu ka geeriyooday hal askari saddex kalena ay ka dhaawacmeen.
Dagaalladan ayaa inta la xaqiijiyey la sheegayaa in ay ku dhinteen shan qof, ayada oo ay sagaal kalena ku dhaawacmeen, kuwaas oo ah dhinacyadii dagaallada ay dhex-mareen.