Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay dil mid kamid ah ilaaladiisa uu Muqdisho ugu geystay Shaqaalo ka tirsanaa Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya, kaas oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabduqaadir Cilmi.
Wasiirka waxaa uu sheegay in haatan gacanta lgu haayo askariga dilka geystay, isla markaana Cadaaladda uu mari doono, waxaana uu u tacsiyadeeyay qoyska iyo bahda Xeer ilaalinta Qaranka oo uu ka tirsanaa mas’uulka la dilay.