
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo ay xaley wada yeesheen madaxda maamul goboleedyada dalka oo hatan ku sugan magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka oo ahaa kan rasmiga ee ay wada yeelanayeen madaxda maamul goboleedyada, isagoona ahaa miday albaabada u xiran yihiin.
Ilo ku dhow shirkaas ayaa warbaahinta u sheegay in diirada lagu saaray xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo ay ka doodeen madaxda ku shirsan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani oo xalay saq-dhe la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulankaasi, wuxuuna tilmaamay in madaxda maamul goboleedyadu ay ka doodeen xaaladda dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah.