Maxkamada Gobolka Galgaduud oo Xukun Daciif ah Ku Xukumay Rag Kufsi Geystey

1
188

Maxkamadda gobolka Galgaduud laanteeda Cadaado ayaa maanta riday xukun ay dadka la yaabeen, kaasi oo lagu xukumay rag loo haystay inay kufsi wadareed u geysteen haweenay dumar ah.

Raggan oo tiradoodu dhameyd Afar Nin ayey maxkamadu Saddex kamid ah ku xukuntay 6-bilood oo xarig ah, maadama loo haystay inay ku lug lahaayeen kufsi ka dhacay deegaan hostaga degmada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxay Maxkamaddu kiiskaasi Lix bilood oo xarig ah ugu xukuntay haweenay dumar ah oo iyaduna ku eedeysneed inay soo maleegtay shirqoolka gabadha lagu kufsaday, sida ay sheegtay maxkamaddu.

Maxkamadda ayaa Cali Daahir Cali oo kamid ah Afarta Nin ku xukuntay jeedal, masaafurin iyo 44-dago oo meher ah sida uu ku dhawaaqay garsooraha maxkamada gobolka Galgaduud qaybteeda Cadaado, kadib markii uu Ninkaasi qirtay in uu xiriir kala dhaxeeyay gabadha.

Xukunka ay gaartey maxkamadan ayaa ah mid xaqiiqda ka fog isla arkaana aan waafaqsaneyn sharuucda islaamiga ah amaba kan aan islaamiga aheyn ee lagu xukumo raga kufsiga hablaha u geysta xukunkan noocan oo kale ah ayaa waxaa uu dhira gelin siinayaan kuwa falalka xun sidan oo kale ugu dhaqma.

1 COMMENT

  1. Waxaa ogaataan in maxkameynta ay ku xirintaxay yaa xukunka xayaa, ????

    LA JOOJIYA BANAAN LA JIIFIYAA BANAAN

Comments are closed.