Dhegeyso: Wasiirka Waxbarashada oo Sheegay In Ardeyda Puntland Aysan Heli Doonin Shahaado

0
100

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale sheegay in ardayda degaannada Puntland oo aan ka qyeb-gelin Imtixaanka ay Wasaaraddu qaadeyso aan la siin doonin Shahaadada Dugsiga Sare.

Wasiirka oo ka qeyb-galay Barnaamij ka baxayay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Puntland aysan u diyaar saneyn in ay dadkooda wax la qeyb-sadaan,hayeeshee Dowladda aysan Shahaado siin doonin qof aan ka qeyb-gelin Imtixaanka.