
Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa khudbad ka jeediyay Xafladda Gunaanadka Shirka Wadatashiga dhuusamareeb one oo ay ka qeyb galeen Madaxda maamul goboleedyadda.
Waxaa uu sheegay in Shirka maamul goboleedyadda uu kusoo dhammaaday si wanaagsan, islamarkaana maalmaha soo socda uu furmi doono Shir kale oo ay kasoo qeyb gali doonaan Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay aqbaleyn dalabkii Madaxda Maamul Goboleedyada ee ku aadanaa inay kasoo qeyb galaan shir looga tashanayo Arrimaha doorashooyinka,kaas oo lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa dhamaantood ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, waxaana dhawaan la filayaa in kulanka uu halkaasi ka furmo.