
Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.
Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigiisa ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor iyo ka Jubbaland, Axmed Madoobe.
Safarka uu Kheyre ku tagay Dhuusamareeb ayaa imanaya kadib baaqii ay madaxda maamulada kasoo saareen shirkoodii, kaasi oo ay madaxda sarre ee dalka ugu dalbanayeen kasoo qeyb-galka shirarkaasi.
Kheyre ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Madaxda maamul goboleedyada oo iyaguna ku sugan Dhuusamareeb, oo uu maalmihii u dambeeyay uga socday kulamo gooni gooni ah.
Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka wada-hadli doona khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay xiligeeda ugu dhici laheyd doorashadu.