Shil Diyaaradeed oo Maanta Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Baladweyne

0
172

Diyaarad xamuul ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana ka badbaaday saddex qof oo isugu jiray labadii duuliyayaal iyo engineerkii dayaaradda

Dayaaradaan burburtay ayaa waxaa iska lahaa sharikadda Bluebird Aviation ee dalka Kenya. Waxayna ka soo kicitinta magaalada Jabuuti. Waxayna siday raashiin sida uu xaqiijiyey agaasimaha duulista raydka ah Axmed Macalin Xasan. Ilaa iyo hadda ma cadda xamuulka ay wadday oo laga yaabo in uu shilkaan keenay.

Diyaaradaan oo ah nooca Dash-8 kuna diiwaan-gashay 5Y-VVW ee dalka Kenya ayaa waxay u kireysneyd ciidanka dawladda Mareykanka, waxayna si joogta ah raashiin u keeni jireen ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Shilalka diyaaradaha ayaa beryahan kusoo badanaya dalka somaliya silka maanta ka dhacay degmada baledweyne ayaa noqonaya shilkii afaraad muddo ka yar afar bilood.

.