
Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Yarey ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayaan go’aanka kasoo baxay Shirka Madasha, islamarkaana ay ku shaqeyn doonaan go’aankooda.
Waxa ay sheegtay in doorasho iyo qof cod ah ay dalka ka dhici karto, islamarkaana aysan aaminsaneyn go’aanka kasoo baxay Madaxda maamul goboleedyadda ee ahaa in aysan dalka ka dhicin doorasho qof iyo cod ah.
Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in Shaqadda guddiga aysan kala tashan arrimaha doorashada ayna ku shaqeyn doonaan wixii ay soo waddeen Muddo Shan Sano ah.
Dhawaan ayey aheyd kolkii Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ee ku shirayey magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah oo lagu qabto waqtigii loogu talogalay.