Igad oo Ka Hadley Xaalada Siyaasadeed ee Dalka Somaliya

0
78

Kadib kulan ay yeesheen Madaxda wadamada Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa kasoo baxay warmurtiyeed ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, sida doorashooyinka, wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland iyo howlgallada Ciidamada Dowladda ka wadaan Gobolada dalka.

Hoos Ka Akhriso War-muuriyeedka kasoo baxay Urur goboleedka IGAD

Waxa uu shirku xusey doorashooyinka heer federaal ee soo wajahan , wuxuuna ugu baaqay dhammaan dan-wadaagta Soomaaliya ay muhiimadda saaraan danaha dadka Soomaaliyeed, iyaga oo u maraya in ay gaaraan wadar-ogol ku saabsan doorashooyinka soo socda.

Shirku wuxuu dhiirigaliyay horumarka Dowladda Federaalka ay ka gaartay sidii loo xaqiijin lahaa doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan heerka caalamiga ah, waxaana lagu booriyey dhammaan dhinacyada in ay ka qeyb qaataan habkan taariikhiga ah ee Soomaaliya.

Waxa uu shirka soo dhoweeyay dedaalada Dowladda Federaalka ugu jirto in ay qabato wada hadalo loo dhanyahay oo ay la yeelanayso Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka sidii loo gaari lahaa wax la’isku waafaqsanyahay , gaarista nabad waarta iyo midnimo qaran;

Waxa uu shirka boggaadiyay AMISOM, dalalka ay ciidamada ka yimaadeen iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, khatarihii ay qaateen iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen, iyaga oo si joogto ah uga awood roonaada ururada argagixisada ah iyo kooxaha dambiyada abaabulan, iyada oo la isla xusey in Ciidanka Xoogga Dalka uu mas’uuliyadaha sugista Amniga la wareegay, iyaga oo door hormuud ah ka qaatay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay badqab ugu noolaan lahaayeen.