
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ( Xaliimo Yarey) iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maanta waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb, halkas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.
Ujeedka safarkeeda ayaa salka ku haya sidii ay kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ula qaadan laheyd madaxda dowladda Feeraalka iyo kuwa maamul goboledyada ee ku sugan magaaladaasi.
Xaliimo Yarey ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah waxaa ay ku eedeeyeen inay dowladda hadda jirta la dooneyso muddo kordhin, kadib markii ay dalbatay in muddo 13 Bilood ah ay doorasho ku qaban karaan guddigooda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulankii Golaha ee shalay ka jawaabayay Go’aankii kasoo yeeray Madaxda maamul goboleedyada ee ku shiray magalada dhuusamareeb isaga oo sheegey inaysan aqbali doonin doorasho dadban.