Maxkamada Ciidamada Qalab-sida oo Xukun Dil ah Ku Xukuntey Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowlada

0
88

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday askari ka tirsan ciidamada dowladda oo horey dil uga geystay gudaha magaalada Muqdishio, gaar ahaan degmada Hodan.

Liibaan Cabdi Faarax ayaa loo heystay dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Maxamed Daahir Siyaad, dilkaasi oo ka dhacay degmada Hodan 10-kii December 2019.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu isticmaalay awood laga baaqsan karay, waxa uu ka sheegay fadhiga maxkamadda in marxuumka uu qalad ka galay eedeysanaha laakiin in dacwad uu la tiigsada ay banaan tahay balse sabab uu u dilo aanu jirin mar haddii uu yahay military weliba ka wood roon Marxuumkii gaba-gabada u mareysay wax barashada dugsiga sare, sidaas darteed ayuu weydiistay garsoor in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay ku soo eedeeyeen.

Qareennada u doodayey eedeysanaha ayaa dhankooda ku dooday in marxuumka uu u gafay marwada eedeysanaha oo waddada dhinaceeda mehrad yar ku laheyd, sidoo kalen marxuumka ayaa isku dayay in uu diido in uu saldhiga u raaco askariga, taasina ay keentay dhimashada marxuumka oo aan ku tala gal aheyn, sidaas darteed ayay maxkamadda ka codsadeen in loo naxariista Liibaan Cabdi Faarax.

Ugu dambeyn maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay maanta, waxa ayna ku xukuntay Liibaan Cabdi Faarax dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Maxamed Daahir Siyaad, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.