
Magaalada Garoowe waxaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan Xasan Abshir faarax, kaasoo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.
Ka hor inta aan loo duulin Meydka Marxuumka ayaa waxaa Salaadi Janaasada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Madaweyne Farmaajo, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowso.
Markii la geeyay Magaalada Garoowe Meydka Marxuumka ayaa waxaa Aaskiisa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Madaxweynayaasha Shanta Maamul goboleed, Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo ka raacay Muqdisho.