
Maamulka degmada afgooye oo uu horkacaayo gudoomiyaha degmada ayaa maanta soo indha indheeyey halkii uu ku fatahay webiga shabele kaasoo dhibaato ba,an u geystey dadkii degenaa hareeraha webiga.
Webiga ayaa ku fatahay deegaano badan oo hoos taga degmada afgooye maalintii arbacada aheyd waana markii ugu horeysay oo ay maamulka booqdaan xaafadaha uu webiga ku fatahay.
Fatahaada webiga ayaad moodaa iney noqotey mid soo noqnoqtey taasoo ay waxba ka qaban weysan yihiin maamulka gobolka shebaleha hoose iyo weliba kan degmada.
