Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha ay uga soo horjeesteen in waqtigaan dalka Soomaaliya ka dhici karin doorasho qof iyo Cod ah, xilli Villa Soomalaiya ay sheegtay in dalka ay ka qabaneyso.
Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in Puntland aysan diidaneyn doorasho qof iyo Cod ah in la qabto oo laga gudbo nidaamka 4.5, hayeeshee ay diidan yihiin in la isku dhex qaldo qoorasho qof iy Cod ah iyo nidaamka u baahan in laga gudbo ee 4.5.