Maamulka Jubaland oo Ka Hadlay Kulankii Axmed Madoobe iyo Farmaajo

0
158

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb kula kulmey Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa soo dhamaaday kulan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland, kulankan bilowgiisa hore waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug, iyadoo markii dambe ay isku keli noqdeen Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland Mohamed Ahmed Sabriye ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in kulankan ahaa mid ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.

Kulankaan ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa waxyaabaha caqabada ku ahaa qabsoomida kulanka Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaana la sheegay inay kulamada sii socon doonaan.