Mudo 5 maalmood ayaa laga joogoo kolkii uu webiga shabeele ku fatahay degmada afgooye ee gobolka shabelaha hoose kaasoo ay dad badan waxyeelo kasoo gaartey hadey noqon laheyd barakac amaba xoolahoodii oo ay ku waayeen.
Maamulka Cabdi casiis Lafta gareen ayaan weli ka hadlin fatahaadaas uu sameeyey webiga taasoo aan la garan karin sababta ku kaliftey in mudo 5 maalmood ah uu ka aamusnaado masiibada rabaaniga ah ee ku dhacay dad uu sheegayo in uu masuul ka yahay.
Cabcasiis ayaa waxaa uu haatan ku sugan yahayn magalada dhuusamareeb halkaasi oo ay ku wada sugan yihiin dhamaan masuuliyiinta dowlada federaalka iyo weliba kuwa maamul goboleedyada wexeyna aheyd meesha ugu haboon oo uu kaga hadli karo masiibada ku dhacdey degmada afgooye.
Dhawaan ayey aheyd kolkii fatahaad noocan oo kale ah ay ka dhacay magalada Baledweyne kaasoo ay u wada gurmadeen dhamaan somalida oo dhan kadib kolkii masuuliyiintooda ay hor dhigeen dhibaatada baaxada leh ee halkaasi ka jirtey, Balse nasiibdarada halkan taala wexey tahay in masuuliyiintii maamulkan ay iska indha tireen dhibta taala degmada afgooye ee u baahan in xal deg deg ah loo helo.