Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir guddoomiyey kulan hordhac u ah Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada.
Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada.
Maalinta berito ayaa kulanka saxa ah uu dhici doonaa ayadoo dadka intooda badan ay sheegayaan in uu noqon doono mid aad u adag isla markaana masuuliyiinta isugu yimidna kulankan ay yihiin kuwo mowqifkda ay kala duwan yihiin.