Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Xaalada Magaalada Afgooye ee Shabeellaha Hoose oo uu fatahaad ka sameeyay wabiga Shabeelle.
Shariif ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in si deg deg ah loo caawiyo Shacabka Magaalada Afgooye.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay qeyb qaadan doonto gurmadka dadka ku dhibaateysan Afgooye, waxaa uu sidoo kale ugu baaqay dowladdaha Caalamka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan sidii dadka uu sameeyay wabiga Shabeelle ay u heli lahaayeen gargaar.
Warbixin ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka iyo maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kumanaan Qoys oo ku noolaa Degmada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeellada hoose ay saamayn ba’an ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle.