Wararka aynu ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in wali socdaan kulamo u dhaxeeya Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyadda oo gaar gaar ah in ay ka socdaam Dhuusamareeb.
Ilo ku dhow dhow maamulka Galmudud ayaa xaqiijiyey in weli is jiidd jiidka socdo balse la filaayo in kulanka uu furmo maalinta berito.
Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in la magacaabay xubno guddi hoosaad ah kuwaa soo dardar gelin doona hanaanka doorashada Soomaaliya.
Waxaan weli xal loo helin labadii qodob ee doorasha noocii la qaadan lahaa, sida qodobka maamul goboleedyada doonayaan ee doorasho dad-ban iyo qodobka doorashada qof iyo cod ee Madaxweynaha riixayo.