Odayaasha dhaqanka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug ayaa madaxda dowaladda federalka iyo kuwa maamul goboleedyada uga baaqay in ay xal ka gaaraan khilaafka dhexdooda ka taagan.
Warsaxaafadeed kasoo baxay kulanka odayaasha Galmudug ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in Soomaalidu dhexdeeda ka heshiiyaan wixii khilaaf siyaasadeed ah oo hortaagan in waddanku horey u socdo.
Qodobada kasoo baxday kulanka odayaasha Galmudug waxay kala ahaayeen:
1:Odayaashu waxay soo dhoweeyeen shirka Dhuusomareeb
2: Waxay madaxda dowladda Soomaaliya uga mahad celiyeen kasoo qeyb galka shirka Dhuusomareeb.
3:Odayaasha Galmudug waxay ku baaqeen in loo turo shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku dayacan.
4: Waxay ugu baaqeen madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada in ay la yimaadaan tanaasul, heshiis waara iyo badbaado qaran.
5: Waxay ku taliyeen in laga fogaado dano gaar ah oo abuuri kara kala fogaansho iyo dagaalo sokeeye.
6: Ugu dambayn waxay ugu baaqeen in la gaaro heshiis taariikhda cusub u horseeda umadda Soomaaliyeed.
Odayaasha Galmudug ayaa sheegay haddii madaxda iskugu timid Dhuusmareeb ay heshiin waayaan in ay muujin doonto in Soomaalidu kaligeed heshiin karin, in beesha caalamku dhexdhexaadiso mooyee.