Ilaa Afar Dukaan oo Ajaanib leedahay ayaa lagu bililiqaystay boob ay sameeyeen Dadka deegaanka ee Xaafadda Delft oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika, iyada oo qaatay hanti farabadan.
Mid kamid ah Ganacsatada Soomaalida ee ku nool Koonfur Afrika oo la hadley warbaahinta ayaa xaqiijiyay boobkaas, waxaana uu sheegay in dukaamada la boobay ay lahaayeen dad u dhashay wadanka Bangladesh, hayeeshee ay cabsi soo wajahday Soomaalida.
Ciidamada booliska Koonfur Afrika ayaa maalmahana waxaa ay wadeen burburinta dhismayaal sharci daro ah oo ay qaar ka mida Dadka Xaafadda ka dhisteen goobo aysan Dowladdu ogoleen, taasoo caradii ka dhalatay keentay in dukaamn dhowr ah la boobo.
Boobka loogu geysto koonfur africa dadka ajaaniibta ayaan ahayn mid ku cusub dalkaasi taasoo weliba loogu daro dil iyo in hantidooda inta la qaato inta harteyna la gubo taasoo aysan weli wax la taaban karo aysanka qaban ciidamada aminiga ee dalkaas.