Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay in si wadajir ah loogu gurmado qoysasku gobolka Shabeellada Hoose ee wabigu ku fatahay, gaar ahaan degmada Afgooye.
Sida lagu sheegay warkan, Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadka Wabiga Shabeele, isaga oo faray Xukuumadda in ay degdeg uga howlgasho ka jawaabidda iyo maareynta musiibadan.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa bogaadiyey “Gurmadka iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, taas oo kaalin mugleh ka qaadatay samata-bixinta nafeed ee qoysaska iyo dadkeenna nugul ee degmada Afgooye.”
Warkan ka soo baxay Villa Somalia, waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maalmihii u dambeeyey ay fatahaadihii ugu cuslaa ku dhufteen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose iyo deegaano kale oo hoos taga.