Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Maareynta & Musiibooyinka oo Hey’adaha Gargaarka Ku Amrey Inay u Gurmadaan Degmada Afgooye

0
219

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka maareynta & musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle uu fatahaado daran ka geystay Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Xamza waxaa uu sheegay in Xaafadaha uu Wabiga ka fatahaday ee Afgooye ay kamid yihiin, Dhagax-tuur, baalguri, Beerta Imaaraadka iyo tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye oo ay kamid yihiin Sabiid iyo Caanoole, Baqdaad iyo deegaano kale,isla markaana dadka Shacabka ah uu saameyn ku yeeshay.