Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo Sheegay In La Xaliyey Khilaafkii Kala Dhexeeyey Madaxda Dowlada

0
104

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in is afgarad buuxa laga gaaray khilaafkii kala dhaxeeyay Maamulkiisa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo ka dhashay doorashadii uu kusoo baxay ee ka dhacday Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in wada-hadallo hoose oo maalmihi la soo dhaafay dhex-maray madaxda Sare ee Dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada ee ku wada sugan Dhuusamareeb si hoose wax loo xeeriyay,isla markaana tanaasul farabadan las ameeyay.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ka dhaxeeyay khlaaf ka dhashay doorashadii lagu qabtay Kismaayo, waxaana taasi ay sababtay in dowladda ay cunaqabateyn saarto Magalada sidoo kale Ciidamo ay geyso degmooyinka Gobolka Gedo kalana wareegto Ciidamada Jubbaland oo ku sugnaa.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu dhankiisa Shirka Dhuusamareeb ka sheegay in xal laga garaay khilaafkii kala dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya.