Maddaxweynaha Dowlada Federaalka oo Aqbaley Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyey Reysulwasaare Kheyre Qoraalna kasoo Saaray

0
74

Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa aqbalay go’aanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kalsoonida uga laabteen Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg ah usoo magacaabi doonaa Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan.