Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen ay kusoo qabteen xalay Koox Burcad ah oo Muwaadin Soomaaliyeed oo ku Shaqeysanayay Mooto Bajaaj kaga dhacay xaafad ka tirsan degmada Dharkenley.
War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in muwaadin Soomalaiyeed uu xiriir la soo sameeyay Taliska Ciidamada, isla markaana sidaasi ay ku suurto gashay in ragga Burcadda ah gacanta kusoo dhigaan.
Horay ayaa dhwor jeer oo hore waxaa Rag Burcad ah ay Magaalada Muqdisho ugu geysteen Mooto Bajaaj oo dad Shacab ah ay ku Shaqeysanayeen, kuwaas oo qaarkood gacanta lagu dhigay qaarna ay baxsadeen.
Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaan dhib ba,an ku haya burcad iyo weliba dil aan loo meel dayan oo inta badan loo geystey dadyow aan waxba galabsan ha noqdeen kuwo ganacsato ah ama kuwo caruurtooda qutulyoon u raadsanayey.