Maddaxweynihii Hore ee Somaliya Xasan Sheekh oo Ka Digey Waqti Kororsasho

0
63

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda ku soo korortay dalka, kadib markii uu shalay is-casilay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xasan Sheekh ayaa muujiyay in tani looga gol leeyahay muddo kordhin ay Villa Somalia qorsheynayso, ha yeeshee muddo kordhin aan dastuuri ahayn waxaa uu ku sheegay mid aan gebi ahaanba ikhtiyaar ahayn.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in loo hoggaansamo dastuurka ay tahay khad cas, oo aanu qofna ahayn in uu isu dayo inuu ka gudbo.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in fursado badan loo khasaariyay dib u dhiska Soomaaliyada cusub, balse uu maanta jiro nidaam uu muujiyay inuu horu-socodkeeda caqabad ku yahay.

Xasan Sheekh ayaa ugu dambeen ku taliyay in caqligu shaqeeyo, isla-markaana laga wada shaqeeyo, sidii dalka loogu hoggaamin lahaa is afgarad siyaasadeed, isla-markaana ay doorashadu noqoto mid loo wada dhan yahay.