Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Den ayaa si adag ugu hadlay tallaabadii xilka baarlamaanka ugu qaaday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo qeexay waxyaabo badan oo loola dan lahaa xil ka qaadista Kheyre.
Saciid Deni ayaa sheegay in tallaabadii xilka looga qaaday Xasan Cali Kheyre isagoo Cadaado u jooga qabsoomida jawi doorasho ay ku dhacdo in madaxweynuhu dhabarka toogto, taasoo uu ku sheegay inay aheyd mid baal marsan sharciga dalka u yaal, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo uu ku eedeeyay inuu ku tuntay dastuurkii ummada lagu dhaqayay.
Wuxuu sheegay in Puntland ay si adag u diiday tallaabooyinka baarlamaanka iyo go’aanka Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo ay u aragto in lagu maja xaabinaayo shirkii Dhuusamareeb oo ay u aragtay in xalka Somalia uu ku jiray.
Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu xagal daacinaayo shirkii Dhuusamareeb iyo balantii loo balansanaa Agoosto 15-keeda iyo inuu keeno guddigii loo balansanaa.