
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxaa ay sheegeen in aysan wiiqi doonin xil ka qaadista reysulwasaare kheyre dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, Isla markaana carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya.
Beesha caalamka waxay si joogto ah ugu baaqeen in la sameeyo wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Maamul Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo.
Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas.
Beesha caalamka waxay ku baaqeen in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii Dhuusamareeb.