Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD oo Ku Baaqay In Laga Shaqeeyo Xasilooni iyo Wadajirka Somaliyeed

0
198

Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD Hassan Sheikh Mohamud ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo mas’uuliyiinta xisbigu ay uga arrinsanayeen arrimaha siyaasadeed ee dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa ka dooday sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajir ka umadda Soomaaliyeed isla markaana laga fogaado wax walba oo keeni kara qalqal siyaasadeed ama amni.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo iyo sida ugu haboon ee dalka ay uga dhici karto doorasho heshiis lagu yahay oo xilligeedii ku qabsoonta.

Gebangebadii kulanka ayaa laga soo saaray baaq ku aadan in si wadajir ah looga shaqeeyo samatabixinta dalka iyo abuurista jawi xasillan oo suuro gelin kara wadatashi si loo gaaro isfaham siyaasadeed oo lagu maareynayo marxalada kala guurka ah.