
Jaaliyada somaliyeed ee ku dhaqan magalada Toronto ee dalka Canada ayaa ku baaqay shacabka somaaliyee ee ku nool dalka Canada inay si wadajir ah ugu gurmadaan shacabka Degmada Afgooye oo ay waxyeeladu kasoo gaartey fatahaada webiga shabeela.
Sheekh Haadi oo ka mid ah culumada Magalada Toronto ayaa ka waramay muhiimada ay leedahay in sadaqo lala boxo tobonka ugu horeysa ee bisha Dul Xaj oo aynu hada ku jirto.
Sheekh Haadi ayaa ugu baaqay umada somaaliyeed meel walba oo joogaan inay u istaagaan sideyba weligood ugu istaagi jireen ka qeyb qaadashada masiibooyinka rabaaniga ee ka dhaca dalka.