
Saacadihii la soo dhaafay waxaa bilowday cabsi xoogaan oo soo wajahay dadka ku haray degmada afgooye iyo degaanada kale ee ku hareereysan, ka dib markii ay kordheen biyaha wabiga shabeelle oo horay ugu fatahay degaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Afgooye ayaa laga barakacay kaddib markii ay saameeyeen fatahaadaha wabiga shabeellle waxaana socda gurmad ay sameeynayaan dadka deegaanka u dhashay ee ku nool dalka dibadiisa.
Dowladda Soomaaliyeed ayaa iyane dhankeeda ku biirtay gurmadka dadka ka barakacay Afgoyee iyadoo lacag dhan 500,000 ama Nus bilyan ugu deeqday dadkaasi u baahan yahay gurmadka deg deg ah.
Ayadoo dhanka kale aynu heleyno warar sheegaya in qaar ka tirsan mucaawinadii loogu talagaley la leexsaday oo la musuqmaasuqay taasoo aan weliku daba jirno sida ay u dhacday iyo dadka arxan laawayaasha ee ka dambeeya dhaca mucaawinada loogu tala galay dadka dhibaateysan.