Gudashada Waajibaadka Xajka oo Maanta Bilaabatey

0
160

Acmaasha Xajka ayaa waxa ay bilaabanayaan maanta oo Arbaca ah, hasayeeshee waxaa aad loo soo koobay tirada dadka ka qeybqaadanaya fayraska korona awadii.

Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay mamnuucday dadkii caalamka ka iman lahaa ee tegi lahaa magaalada barakaysan ee Makkah al-Mukaramah, arrintaas oo ay dowladdu uga gol-leedahay sidii lagu xakamayn lahaa cudurkaasi safmarka ah.

Illaa laba milyan oo qof ayaa caadiyan sanadkiisa Xajka guta, hasayeeshee sanadkan ayaa waxaa la filayaa inay gutaan dad aanan ka badnayn 8.000 oo qof.

Dadka loo ogolaaday inay ka qeybqaataan Xajka sanadkan ayaa waxaa laga baaray fayraska iyo heerkulka jirkooda markii ay soo gaaraan magaalada Makkah, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP.