Maxkamada Gobolka Banaadir oo Lex Bilood Ku Xukuntey Wariye Cabdi Casiis Axmed

0
151

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Wariye Cabdi Casiis Axmed Gurbiye oo ah Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada muqdisho, kaasoo Maanta markii Afaraad la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa Wariyaha waxaa ay ku riday Xukun lix bilood oo xariga ah iyo 5 Milyan oo Shillin Soomaali ah, iyada oo sheegtay in lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta, oo ku saabsan Wararka been abuurka ah, waxaana xukunka uu yahay mid uu gadan karo.

Horay Urrurada u dooda Wariyeyaasha ee ka jira Soomaaliya ayaa waxaa ay dhowr jeer sheegeen in la bedbedalay eedeymaha loo heysto Wariyaha, isla markaana dad aan loogu talo gelin baarista ay ka qeyb qaadanayaan maxkamadeynta Wariyaha.

Xukunkan lagu ridey wariyaha ayaa waxaa uu u muuqdaa xukun la rabo in lagu af qabto warbaahinta noocey doonto ha ahaatee taasoo micnaheeda yahay in la laalay xuquuqda warbaahinta isla markaana ruuxii wax ka qoraa xukuumada lagu soo eedeyn doonoo inuu qorey wax ben ah sidaasina xukun ku muteysan doono.