Taliyaha qeybta Bari ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Maalin ayaa sheegay in degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ay ka jiraan falal amni darro, kuwaas oo ay geystaan rag hubeysan oo qaarkod ay yihiin maleeshiyaad.
Waxaa uu sheegay in Rag ku labisan Dareeska Ciidanka oo kala dhiman iyo kuwo xiran Dhar Shacb ah ay falalka amni darro geysanayaan, isla markaana dhacdooyin xanuun badan oo dil uu ka mid yahay ay geystaan raggaasi.