Mareykanka oo Ka Hadley Duqeyn uu Ka Fuliyey Degmada Jilib

0
98

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka 29/7/2020 duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Xubin ka tirsan Al-Shabaab mid kalena ku dhaawaceen,isla markaana weerarkaasi duqeynta ah uu yahay mid ay ku taageerayaan Ciidamada Dowladda sida uu sheegay Madaxa arrimaha bulshada Mareykanka ee AFRICOM Chris Force Karns.