Safiirka Dowladda Qadar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo beryahan ku sugnaa magalada muqdisho.
Kulankan ayaa ahaa kulankii ugu horeeyey oo ay wada yeeshaan maamulkka Qooe qooe iyo wakiilka dowlada Qadar u fadhiya dalka somaliya kaasoo looga hadley fulinta ballanqaadkii dowladda Qatar ee dhismaha Dekedda Hobyo.
Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo Safiirka waxaa kaloo ka wada hadleen Mashaariicda dowladda Qatar ay horay u ballan qaaday oo ku aadanna degaanada maamulka Galmudug.
Dhawaan ayey aheyd kolkii waxgaradka iyo siyaasiyinta reer galmudug ay kulan lagu dhisayo dekeda hobyo ay ku yesheen magalada hobyo kaasoo dadkii kulankaasi isugu yimid ay balan qaadeen qarashka lagu dhisi lahaa dekeda Hobyo.