Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dhawaan dib u fureyso duulimaadyada Caalamiga ah oo markii hore loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay dalka.
Wasiirka Gaadiidka dalka Maxamed Cabdullaahi Salaad oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in Saddexda bisha soo socoto dib loo furi doono duulimaadyadda Caalamiga ah.
Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intasi ku daray in dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu hoos u dhacay tan iyo markii ay joojiyeen duulmaadyada Caalamiga, hayeeshee markii ay dib u furaan ay diyaariyeen goobo looga baaro dadka garoonka kasoo dego COVID-19.
Duulimaadyada garoonka Aadan Cade ayaa la hakiyey 19-kii Maarso taasoo iyana qeyb ka ahayd dadaallada lagu xakameysano faafida cudurka Covit 19.