Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ka digay in dowladda federalku sameysato muddo kororsi xilligan kala guurka ah oo dalku isku diyaarinayo sidii doorashooyin qaran loo qaban qaabin lahaa.
Wasiirka arrimaha gudaha ahna xubnaha Puntland u matalaya guddiga farsamo ee kasoo talo bixinta arrimaha doorashada, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda markii waqtigeeda gabagabo yahay ay ku fekerto inay cimrigeeda sii dheeraysato.
Wasiir Dhabancad, ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federalka inay ka shaqeeyaan sidii dalka doorasho uga dhici lahayd.
Hadalkaan ayuu wasiirku sheegay xilli ay maanta Puntland u dabaal dagaysay sannad guuradii 22-aad ee kasoo wareegtay aas aaskeedii.