Hey’ada Socdaalka oo Qoraal Kasoo Saaray Furitaalka Duulimaadyada Dalka

0
86

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa war kasoo saartay duullimaadyada caalamiga ah ee berri oo ah 03,da-August, 2020 furmi doonan iyadoo la tix-raacayo go’aankii ay ku oggolaadeen Golaha wasiirrada.

Warka kasoo baxay hay’adda socdaalka ayaa lagu sheegay in keliya loo oggolaan doono soo galista Soomaaliya dadka sita warqadaha cadeynaya in aysan qabin xanuunka Covid-19 oo ay soo qaateen 72 saac gudaheed, marka ay dalka soo galayaan.