Shirka Mudulood oo Maanta Ka Furmey Magalada Muqdisho

0
288

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Mowlaca Khaliif Cabduqaadir Macalin Nuur ayaa Maanta oo Isniin ah ka furmay Shirka wadatashiga ah ee Beesha Mudullood, kaasoo dhowr jeer dib u dhac uu ku yimid.

Shirkaas oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimo kale oo ku aadan aayaha Beesha Mudullood.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaashii hore ee dalka sida Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Cali Mahdi Maxamed, waxaa kaloo ka qeyb galaya in ka badan 1000 qof oo lagu Casuumay shirkaas.

Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo lagu Casuumay, waxaana shirkaas laga soo saari doonaa War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.